Adeegyada la-talinta
Dadka qaar ma dareensana waxyaabaha teknooljiyada casriga ah u
tari karto shirkadaha, ururrada, jaamacadaha, dugsiyada, iwm.
Shirkadda AfroTech waxay ku siineysaa la-talin ku aaddan sidii
aad uga faa’ideysan lahayd teknoolojiyada casriga ah. AfroTech
waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed uga faa’iideyso
culuumta casriga iyo sidii ay adduunka uga soo qaadan
lahaayeen waxyaabaha horumarka leh.
Cilmi-baaris
AfroTech waxay qabataa cilmi-baaris ku aaddan Soomaaliya iyo
teknolojiyada. Sidoo kale waxay AfroTech baaritaan u sameyn
kartaa cid kasta oo dooneysaa inay wax badan ka ogaato heerka
teknoolojiyadu ka joogto Soomaaliya, sida waxbarashada
culuumta teknolojiyada, sahan ku-sameynta shirkadaha
internetka bixiya, suuqa qalabka teknolojiyada sida
kombuterrada iyo wixii la xiriira.
|
 |
|