Marka aad hesho cinwaan laguugu soo
hagaago waxaad u baahan tahay halkii aad ku shuban lahayd xogtaada
si dadweynuhu uga akhristaan. AfroTech waxay xog-keydiyeyaal
waaweyn ku leedahay dalka Mareykanka, kuwaasoo kuu suurtogelinaya
inaad hesho adeeg deg deg, laysku halleyn karo, isla markaana
qiimo jaban. Adeegyada ay kuu qabaneyso AfroTech waxaa ka mid ah:
*
Inaad maamulato bartaada internet-ka, iyadoo shirkadda AfroTech
aanay la socon arrimaha kuu gaarka ah.
* Inaad hesho warbixin ku saabsan boggaaga sida inaad ogaato inta
qof ee soo booqata bartaada maalin walba, dalalka ay ka soo booqdaan,
saacadaha ay soo booqdaan, qoraallada loogu akhris badan yahay, iwm.
* Inaad sameysato e-mailo kuu gaar ah.
Shirkadda AfroTech waxay diyaar
kuula tahay adeegyo ku kala duwan baaxadda ay qadi karaan. Hase
yeeshee, waxaa xusid mudan inaad weyneysan karto marka aad u baahato.
|
 |
|